Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya
in dab weyn oo inta badan magaalada Muqdisho laga arki karo uu qabsaday qeybo
ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ku sugan agagaarka
halka uu dabka ka kacay ayaa Hiiraan Online u sheegay in gaar ahaan qeybta lagu
iibiyo Dharka Huudheyta uu dabkan ka bilaawday hasse ahaatee uu hadda u muuqdo
mid ku sii fidayo qeybo kale oo hore leh.
Meelaha qaar waxaa laga maqlayaa
rasaas ay ridayaan ciidamada nabad-galyada oo lagu kala kaxeynayo dadka halkaa
isugu soo xoomay, iyada oo laga cabsi qabo in uu dhaco boob hantiyeed.
Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee
dabkaasi ka dhashay balse waxaa kusii socda Bakaaraha gaadiidka dab damiska.
Suuqa Bakaaraha waxaa uu ka mid yahay guud ahaa
halbowlayaasha ganacsi ee ugu weyn marka la eego qaarrada Africa, waana goob ay
ku uruursan yihiin hantida inta badan ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ku
yaala xarumaha ugu waaweyn ee shirkaddaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha ee
dalka
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]