3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2019
Faah faahin ku saabsan duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyeen gobolka Baay

 

Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanku ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Baay halkaa oo ay ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in 08 bishan ciidamada Mareykanku duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ka tirsan gobolka Baay.

Duqeynta ayaa lagu dilay ilaa Lix ka tirsan xoogagga Al-shabaab, waxaana goobta la weeraray lagu sheegay fariisin ay iska soo abaabuli jireen dagaalyahannada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019ka oo kaliya ku dhawaad ilaa shan weerar oo cirka ka geystay gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/10/2019 1:51 PM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dab weyn oo inta badan magaalada Muqdisho laga arki karo uu qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

1/10/2019 11:49 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in Sool iyo sanaag bari ka mid yihiin Puntland.

1/10/2019 8:34 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka

1/10/2019 6:00 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.

1/10/2019 4:27 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiiro, Xildhibaano iyo sayaasiyiin kale oo goordhow gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobolleedka KGS ayaa soo dhoweyn diirran kadib booqasho ku tagay dhismaha Airport-ka cusub ee Baraawe.

1/10/2019 3:09 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in UK ku biireyso dalalka Imaaraadka iyo Rushka, iyada oo dooneysa in ay saldhig militari ku yeelato Somaliland.

1/10/2019 2:28 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid lahaayene gobolada kale ee dalka.

1/10/2019 12:53 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump ayaa isaga baxay kulan uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuquraadiga ah ayadoo ay burbureen wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran maalintii 19aad.

1/10/2019 12:16 AM EST
Khamiis, Janaayo, 10, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada ururka Al-shabaab.