4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Qaramada Midoobey oo cambaareysay madaafiic lagu weeraray xaruntooda Xalane

 

Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- War qoraal ah oo dhawaan kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa lagu cambaareeyay madaafiicdii maanta lagu weeraray xarun ay ku leeyihiin xerada Xalane.

Qoraalkan oo Nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay warbaahinta Hiiraan Online qornaa sidan:

”Toddobo Madfac ayaa lagu soo tuuray xeyndaabka Xalane, Labbo ruux oo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobe ayaa dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray iyo ruux kale oo ku suganaa gudaha xirada.

Weerarka ayuu ku tilmaamay qoraalka in uu ahaa mid caraqlad ku ah sharciga Aadanaha ah, iyo la weerarro hay’ad caalami ah  Qaramada Midoobe laguma gaarayo hadafyo siyaasadeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale caafimaad deg deg ah loogu rajeeyay saaxiibadeena dhaawaca fudud uu ka soo gaaray madaafiicdii maanta”

Warka ka soo baxay xafiiska QM ayaa imanaya iyadoo ay dhowr madaafiic ah ku dhaceen xarunta hay'adda oo ku taala gudaha xerradda Xalane.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]