Talaado, Janaayo, 01,
2019 (HOL)- Dhacdooyinkii u waaweynaa ee sanadkii tagay laga
xusi karo Somaliland waxa ka mid ah dhacdooyinkan hoos ku qoran.
1.
December,
21,2018, madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha dawlad deegaanka
Soomaalida Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Wajaalle.
2.
December 17,
2018, xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada oo ku heshiiyey in
aanay doorashaddu dhaafin sanadka 2019 mar hadii ay dib uga dhacday muddii hore
loogu qorsheeyey ee march, 2019.
3.
December 15,2018,
magaaladda Hargeysa waxa yimid wefti madax dhaqameed ka socda qoomiyada
Oromadda ee Itoobiya, Madax dhaqameedkaaasi ayaa sheegay inay usocdaan is
dhexgalka labada bulsho ee Oromada iyo Somaliland, waxaanay xuseen in
Somaliland tahay dhuunta ganacsigoodu soo maro.
4.
December
14,2018, ardayda maqalka naafada ka ah ee dhigta dugsi ku yaalla BOoramo
oo ka mudahaaraday maamulkoodii oo laga bedelay.
5.
December 12,
2018 , xukuumada Somaliland oo mustaafurisay dad ajanabi ah oo shaqooyin
ka hayey Somaliland.
6.
November 28,2018,
guddida doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey in aanay doorashaddii ku
qabsoomi Karin mudadii hore loogu cayimay.
7.
November 24,
2018, madaxweyne Muuse Biixi oo markii ugu horeysay booqday
ciidamada jiidda hore ee deegaanka Tuko raq.
8.
November
12,2018, xukuumada Somaliland oo mamnuucday hoteeladii habeenkii
lagu caweeyo ee fanaaniintu ka heesaan, waxaana loo qabtay wakhtiga ah 11:50
PM.
9.
Octobar
11,2018, wasaaradda arrimaha dibada Somaliland oo soo qabanqaabisay
shirweyne lagaga hadlayo wixii 27 sanno u qabsoomay Somaliland iyo siyaasada
arrimaha dibada Somaliland jihadda loo leexinayo.
10. September 30,2018, gudoomiyihii
golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ayaa xilkii iyo
xubinimadii xisbiga laga saaray ka dib shir ay iskugu yimaadeen golaha
fulinta ee xisbigaasi.
11. September 25,2018, Cabdikariim Qalbi
dhagax oo ka mid ahaa jabhadda ONLF ka muddana ku xidhnaa xabsi ku
yaalla Itoobiya, ayaa Hargeysa booqasho ku yimid.
12. September 11, 2018, Xukuumadda Somaliland
ayaa si jujuub ah ula wareegtay haamaha shiidaalka ee Berbera, waxaana
hore u maamuli jirey shirkado gaaar ah oo xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo ku
wareejisay.
13. August 26,2018, Somaliland oo dib u
celisay gaadiid badan oo laga soo baxsaday deegaanka Soomaalida Itoobiya.
14. August 15,2018, golaha Guurtida
Somaliland ayaa ka hor yimid xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu u gudbiyeen
madaxtooyadda.
15. July 23,2018, ururka cilmi baadhista
Soomaaliyeed ayaa shirkoodii ku qabsaday jaamacadda Hargeysa, taas oo ay
iskugu yimaadeen aqoonyahano badan oo ka kala yimid ummadda Soomaaliyeed.
16. May 26,2018, Duufaantii
dabaylaha watay ee ka dhacday xeebaha Somaliland, waxa kormeer ka dib ka hadlay
oo kharaasuhu inta uu leegyahay Madaxweyne Biixi, waxaanu yidhi
““duufaantii dhacday meelo badan bay martay waxaanay dishay 49 qof oo toddobo
qof ilaa hadda aan lahayn, waxa ku jiray shan caruur ah oo aan shan jir
gaadhin, waxa dhaawacmay toddobaadan qof, sidoo kale 80% xoolihii way
dhinteen oo geelii ugu adkaa ayaa kuwii xeradda ku jirayna dhinteen kuwii
banaanka jiray way dhinteen, waxaanay dhimashadu ku badan tahay labada degmo ee
kala ah Baki iyo Lughaya”
17. June, 18,2018,
makhaayadaha Burco oo qaarkood xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay kordhiyeen
qiimaha shaaha, taasina waxay keentay inay dadkii shacabka ahaa ka mudaharadaan
qiimo kordhintaasi.
18. May 20, 2018, maxkamada gobolka
Maroodi jeex oo saddex sanno oo xukun ah ku riday boqor Buurmadow.
19. May 7, 2018, Madaxweyne Biixi
oo cafis madaxweyne ku siidaayey abwaan Niciima abwaan Qoranne oo xabsiga
Gabiley ku jirtay ka dib markii lagu eedeeyey inay arrimo qaranimadda ka dhan
ah ku kacday.
20. April 24, 2018, shidaal xun oo dalka
soo gallay ayaa sababay in kumanaan baabuur ahi waxyeelo ka soo gaadho.
21. April 4,2018, Alla ha u naxariisto Fanaanadda
caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac oo fanka ku jirtay nusqarni kana mid ahayd
foolaadka fanka iyo dhaqanka umadda Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday
magaaladda Hargeysa. Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd tiirarka waaweyn ee
Fanka Soomaaliyeed waxay ka mid ahayd fanaaniinta ugu heesaha badan fanaaniinta
Soomaaliyeed,isla markaana heeso la wadaagtay ama la qaatay inta badan ragga
fanaaniinta ah ee waaweyn, waxaanay ahayd qof cod tolmoon oo sida loo hela yar
tahay.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac waxay dhalatay sanad
ku beegan 1956-dii, waxaanay ku dhallatay gobolka Togdheer, waxaana fanka ku
soo biirtay hilaadii 1969-kii iyadoo wakhtigaasi la sheegay inay da’deedu ahayd
13 jir sida ay sheegeen dadkii ay ku walaaloobeen fanka Soomaalidda.
22. March 22,2018, xisbiga mucaaradka ah
ee WADDANI ayaa soo jeediyey inla kala diro guddida doorashooyinka
oo ay sheegeen in aanay ku kalsoonayn.
23. March, 13,2018, xukuumada
Somaliland ayaa gabi ahaanba ka joojiyey shirkadaha
isgaadhsiinta in lacagta Mobile lagu shubto aan lagu shuban Karin ama la
isticmaali Karin boqol dollar wax ka yar, taas bedelkeedana loo
bedelo shilng Somaliland si loo yareeyo sicir barar lacagta ku yimid oo
sababtay in shilingkii si weyn hoos u dhac ku yimaado, waxayna ahayd arrrimaha
danyarta taabanayaey oo si weyn usoo dhoweeyeen, waayo ka hor amarkan waxa
lacagta Mobileka lagu isticmmaali jiray uun dollar, taas oo keentay qiimo jabka
lacagtii wadanka.
24. February 11, 2018, Wasiirka horumarinta reer
Miyiga iyo deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondaro
ayaa xabsiga u taxaabtay sagaal qof oo loo qabtay Diiman la doonayo
in la dhoofiyo.
25. January 28, 2018,
Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Axmed
Siciid Diiriye Afgudhiye oo ahaa abwaan caan ka ah geyiga Soomaaliddu degto.
Abwaan Afgudhiye wuxuu ahaa gabyaa, majaajiliste
iyo hal abuur heeso badan sameeyey, waxaanu koritanka fankiisa soo maray
Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu heesaha badan ku sameeyey magaaladda Jabuuti.
26. January 6,2018,
madaxweyne Biixi oo safarkii ugu horeeyey ku tagay dalka Jabuuti.