4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 1 , 2019
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Garoowe soo gaaray

Talaado, Janaayo, 01, 2019 (HOL)- Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe,halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga waxaa ka mid ah Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka mid ah xildhibaannada federaalka ee laga soo doorto Puntland.

Xildhibaannada ayaa sheegay inay usoo gaareen magaalada Garoowe, maaddaama lagu jiro xilli doorasho,iyagoo ka mahadceliyay sida lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe.

Dhowaan ayaa Puntland soo saartay qoraal ay ku mamnuucayso imaanshaha madaxda Federaalka inta ay socoto doorashadu.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]