Wasiir SHIRE“Saldhigu kiro maaha ee waxaynu ku bedelanay inay inoo sameeyaan wadadda Berbera iyo Wajaale iyo Madaar cusub”
Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)- Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in saldhiga aan la kireyn ee lagu bedeshay inay sameeyeen jidka Berbera iyo Wajaale u dhexeeya iyo garoon diyaaradeed.
Sidoo kale, waxa uu wasiirku
sheegay in sanadkan aanay ku jirin miisaaniyada qaranka kirada dekadda oo hore
looga sii qaaday kiradii sanadkan, taasina ay sababtay in aanay ku jirin buuga
miisaaniyadda.
Wasiirku sidaas waxa uu ka
sheegay kulan lagu falanqaynayey miisaaniyada 2019ka oo uu
wasiirka,xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo xisbiyada mucaaaradku goob joog ka
ahaayeen, taas oo lagu soo bandhigya daldaloolooyinka miisaaniyada qaranka iyo
inay u baahan tahay in wax laga bedello.
Wasiir Sacad oo ka hadlaya
kiradda dekadda iyo sababta sanadkan aanay ugu jirin miisaaniyadda waxa uu
yidhi “Horta way ku jirta kirada dekedu oo Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada
ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda
DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka
kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada
laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.”
Mar kale isagoo ka hadlay
saldhiga Imaaraadka ka dhisanayo Berbera inuu kiro yahay iyo in kale, waxa uu
yidhi “Arrinta Saldhigga, saldhigga
isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka,
Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeyi in ay inoo dhisaan
waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu
bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii
Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,”
Si kastaba ha ahaatee, warkan
cusub ee wasiirku sheegay ayaa dadkii madasha joogay ku abuurtay guux iyo u
qaadan waa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.