4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya oo gaaray Gaarisa

Sabti, Febraayo 09, 2019 (HOL)-  Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawadda  Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa gaaray magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wasiirka Oomaar, waxaa ku soo dhaweeyay Gaarisa siyaasiyiinta gobolka iyo qaybaha bulshada,iyadoo safarka uu ku sheegay inuu yahay mid shaqsi ah, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan.

"Horay ayaan u imaan jiray Gaarisa, maanta anigoo ah wasiir Soomaaliyeed ayaan imid, waxaana ku imid fasax iyo arrimo shaqsi ah". ayuu yiri Oomaar.

Waxaa uu diidday safarkiisa inuu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo haddii uu qayb ka yahay inuu taageerro ka raadinayo deegaanka,iyadoo ay jirto hadal hayn la xiriirta inuu ka qaybgalayo doorashada madaxweynaha ee Jubbaland ka dhacaysa dabayaaqada sannadkan.

"Arrimaha oo dhan waa tuhun , balse anigu halkan waxaan u imid si shaqsi ah, waana u mahadcelin dadkii is xilqaamay ee sida wanagsan ii soo dhaweeyay". ayuu raaciyay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]