4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Ugaaskii 54 aad ee beesha Gurgure oo la caleemo saaray

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Diridhabe lagu caleema-saaray Ugaas Siyaad Da'ud Cumar oo noqday Ugaaska beesha Gur-gure.

Caleema-saarkan oo lagu qabtay Garoonka weyn ee kubadda cagta ee Diridhabe ayaa waxaa isugu yimid dad aad u tiro badan oo isugu jiray Odayaal dhaqameedka degaanka, iyo shacabka magaalada Diridhabe, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii kasoo qayb galay marti sharaf ka timid Soomaaliland.

Haddaba xafladdan caleemasaarka ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyay Odayaashii degaanka iyagoo sheegay in xafladdan maanta ee caleemasaarka ugaaska ay tahay fursad wayn oo Soomaali usoo hoyatay.

 

Beesha Gurgure oo ah beel Soomaaliyeed ayaa waxaa ay wada deegaan deegaanka Soomaalida iyo Degaanka Oromiya, waxa ayna in badan ahayd beel lagu tiriyo dhanka Oromada oo ay sabab u ahayd beesha oo in muddo ahba aan Ugaas yeelan, waxayna ahayd beeshu hadda ka hor boqortooyo in badan soo jirtay waxaanad ku garanaysaa Ugaaska maanta la caleemasaaray oo ah Ugaaskii 54aad oo ay beeshu yeelato.