4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Somaliland oo dalbatay inay dalal kale oo caalamka ahi ku soo biiraan wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya

Sabti, Febraayo  09,   2019  (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in wada hadalkii uu hore u waday Turkigu aan wax midho dhal ah laga gaadhin, sidaas darteed, waxay dalbatay in dalal kale oo caalamka ahi qayb ka noqdaan wada hadalkaasi labada dhinac.

Sidaasna waxa lagu sheegay kulan maanta ku dhexmaray  madaxweyne Biixi iyo ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker.

Kulanka madaxweynaha iyo ergayga waxa ku wehelinayey wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan, ergayga Somaliland ee wada hadaladda Dr;Edna Aadan iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha wada hadalka Cawil Xuseen Ducaale.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynuhu u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Sidoo kale, Waxa uu madaxweyne Biixi wuxuu  u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

Sidaas waxa war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu sheegay in madaxweynaha iyo ergaygu isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo Somaliland iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.