4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Maamulka dekedda Muqdisho iyo Ganacsato ka hadashay Markab Sokor sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Madaxda Dekedda iyo Ganacstadda uu u raran yahay Markabkaasi waxaa ay sheegeen inu u Dekedda Muqdisho ku xoo xirtay Markab weyn oo ay saaran tahay 40,000 oo Tan oo Sokor Nadiif ah. kaa laga soo weeciyay dekedda Mambassa ee dalka Kenya

Arrintan ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah warbaahintu sheegeen in sokortani laga soo celiyay dalka Kenya markii laga war helay in tayo ahaan ay leedato, balse maamulka iyo saraakiisha dekedda ayaa arrintaa waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Waxaa ay sheegeen in  sokortaasi Tayo ahaa wanaagsan tahay, laga keenay dalalka Khaliijka, islamarkaana ay tahay Badeecad la hubiyey, oo waafaqsan Nidaamka Caalamiga ee Tayada Sonkorta.

Waxaa ay uga digeen warbaahinta in aysan  fara-galin Khilaafka iyo Loolanka ganacsi ee u dhexeeya Ganacsatadda Shixnadaha kala soo dega  dekeddaha waa weyn ee dalka, gaar ahaan dekedda weyn ee Muqdisho..

Dhinaca kale, Wasaarradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federalka ayaa sheegtay in tayada badeecadaas la hubiyey

Dhinaca kale Qaar ka mid ah ganacsataddaasi oo la hadlay qeybo ka mid ah Warbaahinadda ayaa sheegay in ay Markab-kooda oo ku xirnaa dekedda Mombasa ee dalka Kenya u soo weeciyeen dekedda Muqdisho, kadib, markii ay xamili waayeen canshuur xad-dhaaf ah oo ay Madaxda dekedda Mombasa ku soo rogeen.

Ganacsatada ayaa intaa ku daray in Markab-kaasi uu wado shixnad sonkor oo 40,000 oo tan ah , taasi oo ay dabayaaqadii sannadkii hore ka keeneen dalka Imaaraadka Carabta.

Ganacsatadda uu u rarnaa Markab-kaasi ayaa la sheegay in   Xarumo Ganacsi oo caan ah ku  ku leeyihiin dalka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]