4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Al-shabaab oo lagu bartilmaameedsaday gobolka Jubbada Hoose

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in weerar dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji.

Gawaarida la beegsaday waxaa la sheegay inay u socdeen duulaan ka dhan ah Saldhig ay leeyihiin Ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana ka hor duqeynta goobta ka dhacay dagaal mudo kooban socday.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Shabaabka ay weerar ku ekeeyeen Saldhiga Ciidamada ee deegaanka Muuse Xaaji, balse ay iska caabin  xooggan kala kulmeen Ciidamadii Jubbaland oo ka feejignaa weerar uga  yimaada dhanka Al-Shabaab, waxaana lala eegtay Gantaalo markii ay dib u  laabteen.

Mid ka mid ah Saraakiisha Daraawiishta Jubbaland oo lagu magacaabo  Kabtan Maxamed Daahir Nuur ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duqeynta  lala eegtay xubnaha Shabaab looga dilay 30 kamid ah dagaalyahanadooda,  isagoo intaas hadalkiisa ku sii daray in dhimashada ay kordhi karto

Mareykanka ayaa u muuqda mid xoojinaya weerarrada cid ka dhanka Al-shabaab, inkastoo dhanka kale ay sheegeen in Al-shabaab aan looga adkaan karin duqeyn cirka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]