4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Finland: Lacago bilaash ah oo sababay shaqo la'aan

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan.

Lacago bilaasha ah oo qof walb ay dowladu siiso qaar kamid ah dadka aan shaqeysan ayaa loogu yeeray dakhliga aas aasiga ah, hasayeeshee tijaabadii ugu horeysay ee Yurub laga sameeyay ayaa la soo afjaray labo sano kadib, sababtoo ah lacagihii bilaashaka ah ayaa la oggaaday in aysan noqon kuwa wax soo kordhiyay.

Tijaabadan ayaa waxaa si aan kala sooc laheyn loogu sameeyay laba kun oo qof, kuwaasi oo laga soo xulay dadka baagamuudada ah.

Bil walba waxaay qaadanayaan lacago kaash oo aanan laga dooneyn inay soo caddeeyaan inay shaqo doon yihiin, oo haddii xita ay shaqo helaan na aanan laga joojineyn lacagaha ay dowladdu siiso, taasi oo uga sii wanaagsan.

Dadkii mashruucan tijaabada sameeyay ayaa waxay shegeen in dadka lacagahan la siiyo aanay ku dhiiran inay shaqeystan, si lamid ah kuwa ceyrta qaata, waxaan jirto rajo ah in dakhliga damaanadda leh uu noolashooda ka dhigaya inay dareemaan noolal wanaagsan.

Ka qayb galayaaha mashuurcaan ayaa helaya Afar boqol iyo sagaashan pound bil walba, waxaana qaar badan ay amainsan yihiin in lacagihii la siiyayay aanany ku filneyn oo waxaa jirta rajo ah in dakhliga guud ee aasaasiga ah uu wali yahay habka sameeynta nidaamwaxtar leh oo sidoo kale ah mid fudud oo wax ku ool ah.

Balse dowladda Finland ayaa go'aansatay inay nidaamkan ay meesha ka saarto, isla markaana na ay damac san tahay inay cunaqabatayn kusoo rogto kuwa diida shaqooyinka.

BBC Somalia