4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
Wararkii ugu danbeeyay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeymo ay ka geysteen 48-diii saac ee la soo dhaafay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen 15 ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sida uu sheegay, Maj. Gen. Gregg Olson, madaxa howlgalada AFRICOM, duqeymaha ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Mareyakanka ku taageereyso ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab.

Dhanka kale, sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka oo kaliya aaney guulo ka soo hoyin karin dagaalka lagula jiro al-Shabaab haddii ciidamada Soomaaliya aysan door lixaad leh ka qaadan.

Madaxda Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen.Thomas Waldhauser oo shalay la hadlayay guddiga Aqalka Senat-ka Mareykanka ee arimaha gaashaandhigga ayaa yiri “Duqeymahan ma aha kuwa marka ugu dambeysa ka adkaan kara al-Shabaab. Halka ugu dambeysa ee ay howsha u taalo waa ciidanka qaran ee Soomaaliya oo looga baahan yahay inuu xoogeysto uu kordhiyo dadaalladiisa oo uu qaato masuuliyadda ka saaran amaanka dalkooda.”

Illaa iyo horaantii sanadkii 2017-dii, Mareykanki waxa uu kordhiyay tirada duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya.

Sida uu sheegay taliska Africom, 35 duqeyn ayey fuliyeen sanadkaa 2017-dii, sanadkii 2018kii 47 duqeyn, halka sanadkanna ay illaa iyo hadda fuliyeen 12 duqeyn.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayeey ka filyeen gobolada Jubada Dhexe iyo Hiiraan kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan boqol al-Shaabab ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]