4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 9 , 2019
ONLF oo markii ugu horeysay saxiixday heshiis hub ka dhigis ah

 

Sabti, Feberaayo, 09, 2019 (HOL)- Dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay la gaaray heshiis hub ka dhigs ah Jabhadda ONLF, taasoo loo arkayo heshiiskii ugu weyn oo dhaxmara labada dhinac.

Sidoo kale Jabhada ayaa ogolaatay in ay kala shaqeyn doonto dowladda sidii loo dhameyn lahaa Saboolnimada, ku Xadgudubka Xuquuqda Aadanaha iyo waliba qodobo kale.

Jabhada ONLF ayaa Jabhadda ugu ballaaran guud ahaan marka la eego mucaaradka dalka Itoobiya oo muddo dheer dagaal kula jiray dowladdihii kala duwanaa isaga danbeeyay Itoobiya guud ahaan.

Waa sababta keentay in dowladda Itoobiya u aqoonsato ONLF in uu yahay mid ka mid ah ururrada argagixisada, ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd isaga oo sheegay in ONLF aysan aheyn urur argagixiso, taasoo bilow u noqotay wada hadallada labada dhinac.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa bilaawday wax loo arkay isbadal siyaasadeed, waxaana Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan oo ONLF ka tirsan.

Ugu dambeyntiina waxa ay saraakiisha u sareysa ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada ONLF laga dhigo hubka deetana lagu xareeyo xirooyin si loo siiyo tababar intooda daneenaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]