9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Madaxweyne  Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa  ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood  iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]