4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 17, 2019
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay howlgal ku dishay sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Axad, Feberaayo, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya deegaanno ka tirsan gobolka ka sameeyeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid amni xaqiijin ah,isla markaana ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen,waxaana deegaanada howlgalka laga sameeyay ka mid ahaa,Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka G/Sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo Ururka Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in sarkaalkaas uu caanka ahaa deegaanada Gobolka Bakool,sidoo kalena uu lacago ay u yaqaanaan Zakawaadka uu ka qaadi jiray dadlka ku nool deegaanada ay howlgalka ciidamadu ka fuliyeen.

Gobolka Bakool ayaa ka mid ah gobollada ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Ururka Al-shabaab marka laga soo tago magaalooyinka waaweyn oo ay dowladdu maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]