4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 14, 2019
Xaalad abaareed oo laga dayriyey oo ka taagan Gobolka Sool

 

Khamiis,Feberaayo, 14, 2019 (HOL)-Degaanno badan oo ka mid ah gobolka Sool ayaa laga soo seegayaa xaalad abaareed oo aad u daran

Gudoomiyaha degmada Xuddun Faarax Cali Ibraahin ayaa isagoo Ku sugan magaalada Laascaanood waxa uu HOL u sheegay in xaalad adag ay degmada ka taagan tahay.

"Baadkii waa dhamaaday oo ma soo dhowaan hadana biyihii baa gabaabsi ah, hada welina xili roob ma dhowa, Illaahay xiliguu doonuu shubi  karaaye" ayuu yidhi gudoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray in illaa haatan wax diyaargarow ah aanay jirin.

Maxamed Jaamac Mahad oo isagoo Xuddun jooga aan xaakada ka waraysanay ayaa waxa uu sheegay in waqtiga lagu jiro dad iyo duunyoba ay jilicsan yihiin.

Hada biyaha ayaa ugu daran oo xiligaa foostada biyaha ahi ay marayso 110,000 halkii ay ka ahayd 35,000 oo shilin, waxaanu sheegay hadii aan isbedel imaan ay gaadhi doonaan meel aan la goyn Karin.

Xaalan adag oo degmada Xuddun ayaa waxaa la wadaaga degaano badan oo  gobolka iyo gobolada deriska la  ah, waxaana laga cabsi qabaa inay noqoto mid aafo reebta sidii mudo haatan laga joogo ku dhowaad sadex sanadood.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool
 
.