3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2019
Boosaaso: Booliska Puntland oo soo bandhigay rag loo sii xiray dilka nin ganacsade ah

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-  Saraakiisha booliska Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo bandhigay afar nin oo dhallinyaro ah oo ku eedeysan dilka nin ganacsade ah oo 11 bishan Febaraayo xilli habeen ah lagu dilay magaalada Boosaaso.

Booliska waxaa kalo uu soo bandhigay hub iyo telefoonnada gacanta oo lala soo qabtay eedeysanayaasha.

Taliyaha ciidanka booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse , ayaa hay'adaha amniga ku ammaanay soo qabashada raggan ku eedeysan dilka ganacsahada, wuxuu inta ku daray in sharciga la marsiin doonno.

"4ta nin labo ka mid ah ayaa isku tuur tuuraya dilka ganacsadaha,balse baaritaanka ayaa lagu kala saari doona". ayuu yiri Jen Muxiyadiin.

Ganacsadaha geeryooday ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha, wuxuu xisaabiye ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Docda kale, Taliyaha booliska Puntland, Jen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inuu gabagabo marayo baaritaan la xiriira dilka maareyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda PO & Ports,Paul Anthony Formosa.

Jeneraalka ayaa inta ku daray inay jiraan dad u xiran dilkaa, ma uusan bixin faahfaahin inta ka badan, waxaa kalo uu sheegay inay magaalada Gaalkacyo ka socdaan baaritaano la xiriira nabadoon lagu dilay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/13/2019 12:31 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Waxaa magaalada Jigjiga ka socda diyaargarow balaadhan oo loogu diyaargaroobayo xuska toddobaaka magaalooyinka oo markan lagu qabanayo magaalada Jigjiga ee caasimadda dowladda deegaanka Soomaalida.

2/13/2019 10:11 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Ibraahim Lafta-Gareen ayaa soo dhameystiray xubnaha golihiisa Wasiirradda, isaga oo horay u magacaabay 10 Wasiir oo kaliya.

2/13/2019 6:36 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

2/13/2019 5:15 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho oo sida goobjoogayaal sheegeen ahaa nooca gaadiidka lagu dhejiyo.

2/13/2019 4:21 AM EST
Arbaco,Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

2/13/2019 2:07 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Xarrakada Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiga gaari dagaal oo sida ay sheegeen dhawaan kala wareegeen ciidamada dowladda kaddib dagaal ku dhaxmaray deegaanka Jaziira ee dulleedka Muqdisho.

2/13/2019 12:44 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si toos ah ugu baaqay in ay is casisho Ilhaan Omar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka kaddib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka.

2/13/2019 12:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyayba ku soo badanayeen falalka ka dhanka amniga gaar ahaan dilalka qorsheysan.