4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2019
Donald Trump oo Ilhaan Omar ugu baaqay in ay is casisho

 

Arbaco, Feberaayo, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa si toos ah ugu baaqay in ay is casisho Ilhaan Omar oo ka mid ah xubnaha Congress –ka kaddib qoraalkeedii loo arkay Yahuud naceybka oo ay soo dhigtay boggeeda Twitter –ka.

Wuxuu sheegay madaxweyne Trump in Yahuud naceybku marnaba boos ku laheyn Congress –ka gudihiisa, sidaa daraadeed waxaa uu ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho xubinnimada Congress ka  ama guddiga arrimaha dibedda oo ay ka tirsan tahay.

Ilhaan Omar oo ah gabar asalkeedu Soomaali yahay kana tirsan Xisbiga Dumuqraadiga ayaa dhaleeceen adag kala kulantay qoraalka ay soo dhigtay boggeeda oo ay ku sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil, laakiin raaligalin ayeey markii danbe ka bixisay.

Madaxweyne Trump ayaa raaligalinta Ilhaan ku sheegay mid aysan daacad ka aheyn, isaga oo intaa ku darray in erayada ay isticmaasha yihiin kuwo gunta hoose ee qalbigeeda uga yaala.

Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha dalka Mareykanku si toos ah u weerarro Ilhaan Omar dhawaan ku biirtay Congress –ka Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]