4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Muqdisho oo lagu qabtay shir looga hadlayay wacyi-galinta dhibaatada Gudniinka Fircooniga


Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal ugu badan ee haweenka lagu fuliyo gudniinka Fircooniga, taasoo sababta halis soo food saarta haweenka gudniinka lagu sameeyo oo qaarkood u geeriyooday

Haddaba magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay ka wac-yigalinta bulshada dhibaatada uu leeyaha gudniinka Fircooniga.

Ifraax Axmed oo ah madaxa hay’adda Ifrah Foundation oo kulanka soo qabanqaabisay ayaa Hiiraan Online u sheegtay in la arkayo dhibaatada laga dhax –lay gudniinka noocan ah, haddana wali waalidiintu ku dhiiranayaa in ay sii wadaan in gabadhahooda u gudaan fircoon.

‘’ Waxaa iigu layaab badneyd mar aan Miyiga gobolka Galguduud ku booqday hooyo gabadheedii oo 10 sano jir ah u geeriyootay gudniin, in ay ii sheegtay in haddii ay gabar kale dhasho wali ku taagan tahay jidkii ay gabadhii hore uga dhimatay islamarkaana ku sameyn doonto isla gudniinkii fircooniga ahaa ’’ ayeey tiri Ifraah Axmed.

Ifraah ayaa intaa ku dartay marka laga soo tago deeqa sidoo kale jiraan ilaa Lix gabdhood kale oo iyaguna u geeriyooday gudniinka fircooniga oo lagu sameeyay.

Axmed Cabdullaahi oo ah ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa dhankiisa ka hadlay waxa shar-ciyan uga aadan dowladda Soomaaliya si loo joojiyo gudniinka noocan ah oo la sheegay in uu dhibaato ku yahay nolasha haweenka Soomaaliyeed.

‘’Labo arrimoodba waan dhihi karnaa meesha ayeey ka muuqdaan, dhinaca hore waa tacadi qof loo geystay, dhinaca kalana waa dhibaato guud  ahaa bulshadii taabaneysa, kiiska hadda ka dhacay Galmudug oo kale baaritaan ayaa ku socda, marka uu gudniinku sababo ilaa heer dhimasho waa danbi culus, tallaabo ayaana la qaadayaa’’ ayuu yiri ku-xigeenka xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale gudniinkan ayaa ah mid khilaafsan shareecada Islaamka sida ay culima’uudinkii ka qeyb-galay kulanka wacyigalinta ah

''Nooc kasta oo uu yahay gudniinka haddii uu qofkii dumarka ahaa dhibaato ku keenayo Diintu waa xaaraantimeysay''

Ma’aha markii ugu horeysay oo kulan noocan oo kale la qabto, waxaana muuqata in hadda bulshadu ku baraarugsan tahay khatarta haweenku kala kulmayaan gudniinkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]