3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa Suudan

 

Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan, ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka shacabka iyo dowladda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dowladda Suudaan heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada Dowladood.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo cilmi barista iyo mideynta dadaallada lagaga hortagayo tahriibta iyo argagixisada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
2/12/2019 12:37 PM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal ugu badan ee haweenka lagu fuliyo gudniinka Fircooniga, taasoo sababta halis soo food saarta haweenka gudniinka lagu sameeyo oo qaarkood u geeriyooday

2/12/2019 8:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi.

2/12/2019 8:07 AM EST
Talaado, Febraayo 12, 2019 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa qaylo dhaan u dirtay hay’adaha gargaarka si biyo loola gaadho toban kun oo qoys oo biyo yaraani soo foodsaartay.

2/12/2019 5:09 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

2/12/2019 3:00 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) , ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaanno dhaca Koofurta magaalada Boosaaso waxaa lagu soo qabtay rag dhallinyaro oo la sheegay inay doonayeen inay ku biiran Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

2/12/2019 2:33 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)-Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida laga soo xigtay saraakiisha.

2/12/2019 1:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa magaaalada Muqdisho ku leh shir soconaya muddo Afar cisho ah oo la sheegay in looga arinsanayo qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.

2/12/2019 12:29 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa'iil u taageeraan ururrada u ol'oleeya awgeed.

2/12/2019 12:19 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2019 (HOL)- Koox ku hubeysan bastoolado ayaa xalay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne toogasho ku dilay shaqaale ka tirsanaa waaxda maaliyada gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadeey [ Cismaan Ganeey]