3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2019
Bandhiga buug oo xalay lagu qabanayey Burco oo ciidanka amnigu joojiyeen

 

Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Munaasibada lagu soo bandhigayey Buug uu qoray wiil dhalinyaro ahi ayaa xalay dadkii ka soo qaybgallay la kala dareeriyey ka dib markii guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu ku ku tilmaamtay in dhaqan xumo laga waddo goobta.

Bandhiga buuga ayaa lagu casuumay lamanayaal is qaba, kuwaas oo hadyad ahaan isku gudoonsiinayey buugan jacaylka ku saabsan oo magaciisa la yidhaahdo Hadyad Jacayl, haseyeeshee xafladii oo socota ayaa ciidanka amnigu amray in la jooajiso,isla markaana sidaas lagu kala dareeriyey.

Bandhiga buugan ayaa hore waxa uu sidan oo kale uga dhacay Hargeysa, waxaanay Burco noqonaysay magaaladii labaad ee lagu soo bandhigo, waxaana mar walba lagu casuuma qoysaska is qaba oo hadyado isku siiya buugan arrimahah jacaylka ka sheekaynaya.

Magaalada Burco waxa ku xoog badan culimada, taasina waxay keentay in aan lagu qaban xafladaha fanka iyo showyadda fanaaniintu ku qabtaan, waxaana hore looga jooniyey bandhig faneed ay ku qabanayeen kooxda xidagaha geeska.

Bandhigan buuga ee xalay waxa lagu qaadayey heeso aan Miisi lahayn, taas oo qaarkood ku ciyaarayeen, waxaanay culimadu dhibsadeen lamaanayaashan gacmaha is haysta ee ka soo dhex muuqday fagaraaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.

 













Click here
2/11/2019 2:18 PM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay ugu kuur galan xaaladda ka jirta magaaladaasi.

2/11/2019 11:01 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka digaya Barakac baahsan oo ay sameeyaan bulshada ku dhaqan deegaannada la calaamadiyay in ay isaga bixi doonaan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM

2/11/2019 8:22 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)- Xarunta dhexe ee shirkadda isgaarsiinta Golis ee ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa dib maanta loo furay, kaddib dib u dhis iyo casriyeen lagu sameeyay.

2/11/2019 7:22 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Dabkan oo ahaa mid khasaare ballaaran u geystay dad danyar ah ayaa maanta ka kacay xero ku taala xaafadda Jaamacaddaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

2/11/2019 4:53 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-22-kii bishii hore ayaa shir wadatashi oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miinooyinka waxaa lagu martiqaaday Wasaraada Aminga Gudaha Soomaaliya iyo hay” adda SEMA oo u qaabilsan Wasaarada arrimaha miinooyinka iyo qataraha ka dhasha.

2/11/2019 3:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay soo saaristan iyo bandhigga kheyraadka dalka,kaddib kulan ka dhacay magaalada London

2/11/2019 1:18 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Wasiirka Amniga dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa cabasho ka dhan ah ka bixintaan ciidamada Burundi qeybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle u gudbiyay Aqalka sare ee Soomaaliya.

2/11/2019 1:06 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)– Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto.

2/11/2019 12:19 AM EST
Isniin, Feberaayo, 11, 2019 (HOL)–Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caaadle oo shalay gaaray degmada Buula-burte ayaa halkaa dhagax dhigay mashaariic hormarineed.