4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka qaybgalay xuska maalinta Ciidamada Qaranka Itoobiya

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Diridhabe lagu xusay xuska maalinta Ciidamada qaranka ee Itoobiya, xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda degaanada dalka.

Haddaba xuskan ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar isagoo ka hadlay wax qabadka ciidamada Qaranka Itoobiya iyo guulaha ay ka soo hooyeen dhanka dalalka dariska la ah Itoobiya.

Dhinaca kale  Madaxwayne Mustafe ayaa kulan isbarasho laqaatay maanta galinkii dambe Ugaaska Gurgure ee maalinimadii shalay lacaleema saaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]