3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo xukunku riday wargeyska Foore ee Hargeyska ka soo baxa

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta ku xukuntay wargeyska madaxa banaan ee Foore, taas oo ay ku xukuntay hal sano oo adhig ah iyo ganaax saddex milyan oo shilling Somaliland.

Xayiraada lagu soo rogay wargeyska ayaa noqonaya mid sanad ah in aanu soo bixi karin iyo ganaaxa saddexda milyan ee ShSl, waxaana kahadlay tifaftiraha guud ee wargeyska Foore oo ku tilmaamay cadaalad daro .

Tifaftiraha guud ee Wargeyska Foore Maxamed Maxamuud Ilka case oo ka hadlaya xukunkan ku dhacay waxa uu yidhi “Xukun cadaalad daro ah oo aan u qaadanay aargoosi ayey nagu riday maxkamadda gobolka Maroodi jeex, wargeyska waxa lagu haysta warbixin faallo wareed ah oo uu wargeysku qoray bishii sadeedaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay 2018-ka, waxay ku saabsanayd madaxtooyada cusub ee la dhisayo wakhti lagu jiro duruufo nololeed oo adag haday tahay mid caafimaad, waxbarasho iyo mid biyeed, anagoo lahayn dhaqaalaha ku baxaya dhismaha madaxtooyada cusub waxa kaga haboonaa iyadoo la galiyo meelaha kale ee muhiimka u ah nolosha, waxay nagu soo eedeeyeen xeer ilaalintu laba eedood midi waxay ahayd kicin dadweyne oo dadweynaha lagaga hor keenayo dawladoodda, iyo eedda labaadna waxay ahayd dhismaha madaxtooyada oo ay ku tilmaamteen wax uu madaxweynuhu leeyahay”.

Si kastaba ha ahaatee, xukunkan ku dhacay wargeyska Foore waxa cadaalad daro ku tilmaamay gudoomiyaha ururka saxaafadda ee Solja iyo siyaasiyiin kale oo badan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
2/10/2019 3:52 PM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow oo caawa ah ku dhawaaqay Liiska Golaha wasiirrada Puntland oo isugu jira wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

2/10/2019 3:46 PM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Waxaa maanta magaalada Diridhabe lagu xusay xuska maalinta Ciidamada qaranka ee Itoobiya, xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda degaanada dalka.

2/10/2019 10:56 AM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

2/10/2019 7:02 AM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)-Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suda ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UNku leeyihiin.

2/10/2019 6:20 AM EST
Axad, Feberaayo,10, 2019 (HOL)- Baarlamaanka Puntland oo maanta yeeshay fadhi ay soo xaadireen 53 Xildhibaan ayaa ka doodday qaabka loo ansixinayo golaha wasiirrada cusub ee la filayo inuu dhawaan magacaabo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

2/10/2019 4:02 AM EST
Axad, Feberaayo,10, 2019 (HOL)- Koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

2/10/2019 3:31 AM EST
Axad, Feberaayo, 10. 2019 (HOL)-Turkiga ayaa cambaareeyay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku haayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay ceeb ku tahay xagga bini aadanimada.

2/10/2019 12:12 AM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya casho sharaf ugu sameeyay madaxda Africa ee halkaa u jooga ka qeybgalka shirka midowga Africa oo maanta furmaya.

2/10/2019 12:10 AM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan xalay ku dileen Waqooyiga magaalada nabadoon ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug.

2/10/2019 12:07 AM EST
Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.