4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2019
Askar Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil diyaaraddeed

 

Axad, Feberaayo, 10, 2019 (HOL)-Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Suda ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UNku leeyihiin.

Gaar ahaa shilkan ayaa ka dhacay xero ku taala Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada.

Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA eek u sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey.

Suudaanta koofureen ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Sudaan inteeda  kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka labada dal ka billoowday  dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo  Malleeshiyaadka degaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]