Axad, Feberaayo, 10. 2019 (HOL)-Turkiga ayaa cambaareeyay hanjabadda iyo cabsida Shiinuhu ku haayo dadka muslimiinta ah ee qabiilka Wiguuru (Uighur), taas oo la tilmaamay in ay ceeb ku tahay xagga bini aadanimada.
Hadal uu maalinimadii shalay baahiyay Afhayeen u hadlay Wasaaaradda
Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hami Aksoy ayaa lagu
sheegay in si aan sharci aheyn xerooyin gaar ah loogu hayo dad ka badan
Malyan.
Madaxda Turkiga waxa ay ku baaqeen in Shiinaha ay joojiyaan jirdilka
iyo xasuuqa dadka muslimiinta ah, isla markaana xiraan xerooyinka lagu
hayo dadka laga tiro badan yahay ee Wiguuru.
Muslimiinta Wiguuru waxaa la tilmaamay in ay soo wajaheen ama ay
heystaan cadaadis la mid ah kan ka jira Galbeedka dalka Shinaha.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa goor hore ku
eedeeyay Shiinaha in ay dadka Wiguuru ku hayaan xasuuq, inkasta oo uu
weli jiro xiriir ka dhexeeya labadaasi dal oo khuseeya shaqaalaha iyo
xagga siyaasadda.
Gobolka Xinjiang waxa uu hooy u yahay dad gaaraya 10-milyan oo muslimiin ah, kuwaas oo ka dhigan 45% dadka halkaasi.