3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Guddoomiyihii degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Qarax miino lagu dilay

 

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhaw qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmada Awdheegle oo lagu magacaabi jiray Maxamed Yaroow

Warkan arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo shegay in qarax miino ee lagu dilay guddoomiyaha uu ka dhacay isla gudaha degmada Awdheegle.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka gudoomiyaha.

ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilka guddoomiyaha hasse ahaatee Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka waxaa ay ku bartilmaameedsadeen mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
12/4/2019 1:58 PM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa maanta kormeerkiisii saddex biloodlaha ahaa ku tagay xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, halkaa oo ay warbixin la xiriirta waxqabadka guddiga ku siiyeen guddoonka.

12/4/2019 10:41 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Xisbi siyaasadeed cusub oo la magac baxay xisbiga dhaqaaqa Soomaaliyeed ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

12/4/2019 9:48 AM EST
Arbaco, December 04, 2019 (HOL )– Madasha wadatashiga Somaliland ayaa maanta dacwad ka dhan ah golaha Guurtidda iyo go’aankii ay labada sanno ugu kordhiyeen baarlamaanka u gudbiyey maxkamada dastuuriga ah ee Somaliland.

12/4/2019 6:46 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa shacabka uga digtay halista kagasoo wajahan roobab wata dabaylo oo kusoo fool leh xeebaha Badweynta Hindiya.

12/4/2019 6:41 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Dowladda Norway ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay muran iyo isqababsi ka taagan masaajid Soomaalidu gacanta ku haysay oo dhawaan laga joojiyay taageere dhaqaale oo ay siin jirtay Norway.

12/4/2019 3:30 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa lagu wadaa in ay kulankooda maanta Dood kulul ka yeeshaan sharciga Doorashooyinka heer Federaal, kaa oo toddobaadkii hore loo qeybiyay xildhibaannada.

12/4/2019 3:21 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Xubnaha Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa meel mariyay shaci ka hortagaya waxa loogu yeeray xarig aan sabab lahayn, jirdil, iyo dhibaateyn xukumadda Shiinuhu ku heyso muslimiinta Uighur ee ku nool gobolka Shinwaa.

12/4/2019 12:40 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Sawirka Nin dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in uu weerar qorsheynayay.

12/4/2019 12:24 AM EST
Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Magaalada Jowhar ee xarunta ah Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa booqday maalintii shalay Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Sawan oo halkaa kula kulmay madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.