4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
NISA oo soo bandhigtay Sawirka Nin dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in uu weerar qorsheynayay

 

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Sawirka Nin dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in uu weerar qorsheynayay.

Qoraal ay baahisay hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Ninkan gacanta lagu dhigay xili uu doonayay in uu Bam Gacmeed weerar ku geysto, iyaga oo intaa ku daray in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab.

''Ciidamada Amniga, waxaa ay qabteen shaqsi ka tirsan Ururka Al-shabaab, isagoo doonayey in uu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay  isagoon wax khasaare ah u gaysan shacabka. waxaana la xisaabtamaya  Hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.

Laakiin Warka ka soo baxay Hay'adda NISA laguma sheegin magaca Ninkan dhalinyarada ah iyo halka uu la damacsanaa in uu ku weerarro Bam Gameed la sheegay in uu sitay.

Marar badan oo hore sidan oo kale Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa baahiyay muuqaallada iyo magacyada Rag ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ay ka gacanta ku dhigeen. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]