4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2019
Maxey ka wadahadleen Madaxweyne Waare iyo Wakiilka Qarramada Midoobey James Sawan

 

Arbaco, December, 04, 2019 (HOL)-Magaalada Jowhar ee xarunta ah Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa booqday maalintii shalay Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Sawan oo halkaa kula kulmay madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay dadargalinta iyo ka faaideysiga  mashaariicyada horumarineed ee UNka, iyadoo  wafdiga uu qeyb ka  ahaa Wakiilka Midowga Africa Ee Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira.

Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  ayaa balanqaaday in ay ka caawin doonaan dadka Fatahaaduhu ay saameeyeen  sidii ay noloshoodu dib ugu maareyn lahaayeen.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Eergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa horaantii bishii  October ee sanadkan ku kulmay magaalada Muqdisho.

Socdaalka Wafdiga Qarramada Midoobey ayaa imanaya xili dhawaan deegaanno ka tirsan dowlad gobolleedka Hirshabeelle ay ku dhufteen Fatahaado culus kuwaa oo sababay khasaare dhimasho iyo burbur hantiyeedba leh .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]