4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
15 sano oo xabsi ah oo lagu riday haweenay katirsanayd shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar
 

Talaado, December, 31, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweenay lagu magacaabo Faadumo Kornayl oo katirsanayd shaqaalaha ururka haweenka ee dowladda hoose Xamar.

Faadumo Kornayl ayaa qeyb ka ahayd 9 xubnood oo katirsan Alshabab oo maxkamada ciidamada qalabsida sida ay maanta ku riday xukuno isugu jiray dil toogasho iyo xabsiyo dhaadheer.

Waxay maxkamada horteeda ka caddeysay inay katirsanayd kooxda  Alshabab una qaabilsanayd u gudbinta xogaha masuuliyiinta.

Waxay sheegtay inay si toos ah ulasoo xiriiri jireen saraakiisha Alshabab, iyagoo ka doonaya macluumaadka masuuliyiin bartilmaameed ah.

Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Finish ayaa markuu xil la wareegay sheegay inay dowladda gacanta ku hayso shaqaale katirsanaa dowladda hoose oo qorshaynayay fal ismiidaamin ah.

Tan iyo markii la dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Enjineer Yariisow, hay’adda ammaanka ayaa u qabtay dad badan oo lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen qarixii duqa iyo guddooomiyaashiisa lagu dilay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]