3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland oo sheegtay in 88 qof sifo sharci daro ah la iskaga xidhay sanadkan

 

Talaado, December 31,  2019  (HOL )– Xarunta xaquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa warbixin ka diyaarisay xadhigii iyo tacadiyadii ka dhacay Somaliland sanadkan sii dhamaanaya.

Sidoo kale, waxaa ay warbixintooda ku sheegeen in boolisku sameeyaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda bani’aadanka, taas oo aanay jirin meel looga dacwoodda, waxaanay tusaale usoo qaadeen in wiil saldhig ku xidhnaa uu askari iliga ka riday taas oo aanay jirin meel lagaga ashkatoodo.

“Xaaladda xuquuqda iinsaanka way sii xumaanaysa, waxaana sii badanaya xadhiga sharcidarada ah, waxay xaruntu diwaangalisay xadhigii ugu badnaa ee abid la diwaangaliyo oo sanadkan dhamaanaya ka dhacay Somaliland, waxa la xidhay 88 qof, kuwaas oo iskugu jira dad suxufiyiin ah iyo dad aan suxufiyiin ahayn oo shacab caadiya ah, waxa ku jiray siyaasiyiin sharci daro loo xidhay, iyo Xildhibaan Dhakool oo sifo sharci daro ah lagu xidhay.”ayey tidhi gudoomiyaha xaruntan Yaasmiin Cumar Maxamuud oo ka hadlaysay tacadiga ka dhanka ah bani’aadanka ee ay diwaangaliyeen.

Sidoo kale, waxay tilmaameen tacadiyada ay boolisku ku sameeyaan dadweynaha, taas oo ah garaacid sharciga ka hor imanaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
12/31/2019 4:27 PM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka, kaddib markii ay ansixiyeen Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

12/31/2019 10:47 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay haweenay lagu magacaabo Faadumo Kornayl oo katirsanayd shaqaalaha ururka haweenka ee dowladda hoose Xamar.

12/31/2019 9:40 AM EST
Talaado, December 31, 2019 (HOL )– Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo bineeyey ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaas oo laga dhisay xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

12/31/2019 6:23 AM EST
Talaado,December, 31, 2019 (HOL)-Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

12/31/2019 6:18 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)- Tirada ajaanibta ee ku biiraya kooxda Alshabaab ayaa korortay bilihii octobar iyo december ee sanadkaan, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bog ka faallooda xogaha sirdoonka.

12/31/2019 3:54 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Waxaa lagu jiraa maalintii ugu dambeeysay ee sanadka 2019ka, halka dhinaca kale loo diyaar-garoobayo soo dhaweynta sanadka cusub ee 2020.

12/31/2019 2:48 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah la filayaa inay wadajir u ansixiyaan Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

12/31/2019 12:10 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-Xaalada degmada Dhuusa-Mareeb ayaa saakay deggan kaddib iska horimaad xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

12/31/2019 12:02 AM EST
Talaado, December, 31, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa si deg deg ah u sheegtay mas’uuliyada Qaraxii dadka badan galaaftay ee Ex-Koontarool Afgooye kaddib Warkii ka soo baxay hay’adda Nabad-sugida ee ahaa in Qaraxaasi uu ka danbeeyay qorshihiisa Dal Shisheeye