4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Tirada ajaaniibta Alshabaab ku biirtay oo korortay saddexdii biloodeed ugu dambeysay (Warbixin)
 

Talaado, December, 31, 2019 (HOL)-  Tirada ajaanibta ee ku biiraya kooxda Alshabaab ayaa korortay bilihii octobar iyo december ee sanadkaan, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bog ka faallooda xogaha sirdoonka.

Warbixinta oo caawin looga dhigay Dib-u-soo-nooleynta Argagixisanimo ee Bariga Afrika waxay tilmaamaysaa in kooxdu askareysay dagaalyahanno gobolka ah, iyada oo ay kordheen tirada dadka jihaadiyiinta ah ee ka tagaya dalalkooda kuna biiray kooxda, intii u dhaxeysay Oktoobar iyo Diseembar 2019.

Warbixintu waxay walaac ka muujinaysaa dib u soo kaca dhaqdhaqaaqa  jihaadiyiinta iyo in fikradaha xagjirnimadu aad ugu faafeen dalalka Kenya iyo Tanzania oo labaduba ka abuurmeen dhaqdhaqaaqyo la fikir ah Alshabaab.

Bogga xogaha sirdoonka waxaa lagu sheegay in kooxda Alshabab ay kordhisay adeegsiga aaladaha qarxa ee la yiraahdo (R-IED), taasoo lagu bartilmaameedsado ciidamada amniga kenya.

Kororka weerarada ayaa ka sarreeya marka la barbar dhigo warbixinnada kale ee saddex-biloodlaha ah ee ku saabsan dhacdooyinka argaggixisada, waxayna arrintaan u baahan tahay istiraatiijiyad adag oo lagaga hortago.

Gudaha Soomaaliya, warbixintu waxay sheegtay in ururka Alshabaab uu sameeyay weeraro yaab leh oo lagu bar tilmaameedsanayo milatariga iyo xarumaha dowladda ee sida weyn loo xoojiyay oo ay ku jiraan Aqalka Madaxtooyada iyo Xarunta Xalane.

Kooxda waxay muujisay firfircoonidooda iyo awooda ay ku beegsan karto bartilmaamedyada aadka u adag markii ay weerartay saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]