4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 31, 2019
Maxey ka dhiggan tahay sheekashada Al-shabaab ee Qaraxii Ex Koontarool Afgooye

 

Talaado, December, 31, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa si deg deg ah u sheegtay mas’uuliyada Qaraxii dadka badan galaaftay ee Ex-Koontarool Afgooye kaddib Warkii ka soo baxay hay’adda Nabad-sugida ee ahaa in Qaraxaasi uu ka danbeeyay qorshihiisa Dal Shisheeye

Marka dib loo noqdo Ururka Al-shabaab ayaa ka gaabsaday sheegashada Qaraxii 14kii October sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas oo muuqaal ahaan aan wax badan ka duwaneyn kii 28kii bishan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Haddaba su’aasha meesha ka soo baxeysa ayaa ah waxa isku soo beegay Warka hay’adda NISA iyo sheegashada Ururka Al-shabaab?

Dadka sida weyn ula socda Arrimaha Amaanka ayaa qaba in lagu qasbay markan Ururka Al-shabaab in uu ku dhiirado sheegashada Qaraxan iyaga oo u muuqda kuwa meesha ka saaraya hadalkii ka soo yeeray hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo warbixintooda ku sheegay  in qaraxa ay ka danbeysay dowlad shisheeye.

Sidoo kale waxaa ay noqoneysaa markii ugu horreysay oo Al-shabaab si toos ah uga tacsiyadeeyaan geerida Dadka Shacabka ee ku dhinta Qaraxyada ay fuliyaan iyadoo horay arrintan oo kale aan looga barran.

Sheegashada Al-shabaab ayaa sidoo kale u muuuqatay mid lagu beeninayay War lagu daabacay Wargeys ka soo baxay dalka Turkiga oo lagu sheegay in Qaraxii Ex Koontarool Afgooye ay ka danbeeysay Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta oo bartilmeedkeedu ahaa shaqaalihii Turkiga ee  dhintay.

Dadka ka faalooda Arrimaha Amaanka ayaa qaba in haddii uusan soo bixin laheyn Warka hay’adda Nabad-sugida ee ahaa in Dal Shisheeye uu ka danbeeyay Qaraxan Al-shabaab dhankooda ka gaabsan lahaayeen sheegashadiisa si la mid ah kii 14kii October sanadkii 2017-dii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo Qaraxii Shaamoow ee lagu beegsaday Ardeydii Qalinjabineysay oo hay’adda Nabad-sugidu si toos ah ugu eedeysay Ururka Al-shabaab.

Saraakiil horay uga soo shaqeeysay hay’adda Nabad-Sugida iyo Asxaabta Siyaasadda ayaa ugu baaqay dowladda in ay cadeyso magaca dowladda shisheeye ee ka danbeeyay Qaraxan khasaaraha ballaaran geystay si magdhaw uga bixiyaan dadkii rayidka ahaa ee ku nafwaayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]