4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Madaxweyne Waare oo xilalkii ka qaaday Wasiirradii Amniga iyo Warfaafinta Dowlad gobolleedka Hirshabeelle

 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirradii Amniga iyo Warfaafinta.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa'uud Xaaji Cirro ayaa  oo warbaahinta u akhriyay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in xilalkii ay hayeen laga qaaday Wasiirka Amniga C/qaadir Aadan Jeelle iyo Wasiirka warfaafinta dowlada goboleedka Hirshabelle Cabdiweli Muxumad Cabdi. 

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa u magacaabay Wasiirka Amniga Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre halka Wasiirka warfaafinta Hirshabelle loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imaneysa xili maanta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ka dhaceen rabashado dhimasho sababay looga soo horjeedo Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]