3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Mareykanka oo $ 5 Milyan oo dollar ku bixinaya madaxa labo Sarkaal oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ku bixineyso lacag dhan $ 5 Milyan oo dollar madaxa Labo sarkaal oo lagu magacaabo Omar Shafik Hammami iyo Jehad Serwan Mostafa kuwaa oo ka tirsan Ururka Al-shabaab islamarkaana u dhashay dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa gaar ahaan sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu abaabulay Weeraro badan oo ka dhacay Kenya iyo Soomaaliya, islamarkaana uu ka mid yahay Shaqsiyaad Khatarta ku ah Ammaanka Afrika.

Dowladda Mareykanka waxaa ay sheegtay Jehad Serwan Mostafa in uu yahay  Shaqsiga kaliyah ee u dhashay Mareykanka ee ugu sarreeya Al-qaacida iyo  Al-Shabaab Muwaadininiinta Mareykanka ee ku jira.

Jehad Serwan Mostafa ayaa Al-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii lana dagaallamay Ciidamadii Itoobiya ee isla sanadkaas faragelinta ku sameeyay Soomaaliya.

Ninka kale ee lagu magacaabo mar Shafik Hammami ayaa isna ku biiray Ururka Al-shabaab  sanadkii 2006dii isaga oo u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab dhinaca dacyaada iyo qorista dhalinyaro taqaana Luuqada Ingariiska isaga oo adeegsanaya qoraalladiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa horay sidan oo kale u balanqaaday in ay dhaqaale ku bixineyso madaxa xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo qaarkood markii danbe lagu bartilmaameedsaday gudaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 



 













Click here
12/3/2019 11:31 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Wareegto ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirradii Amniga iyo Warfaafinta.

12/3/2019 10:13 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa shacabka Puntland uga digaytay roobab wata dabaylo oo ku soo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya (Garacad, Eyl, Suuj, Bayla).

12/3/2019 9:21 AM EST
Talaado, December 03, 2019 (HOL )– Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyey ka dib markii golaha Wakiiladu usoo gudbiyeen.

12/3/2019 6:27 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in bishii 11-aad shaqadii laga ruqseeyay sarkaal hoggaaminayay ciidamo ku biiray Somaliland oo lagusoo bandhigay degmada Taleex ee gobolka Sool.

12/3/2019 5:39 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale digniin culus ka soo saartay Fatahaaddo hor leh oo ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

12/3/2019 4:08 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay labo ruux kalana waxaa ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada AMISOM ay ku fureen dad dibadbaxayaal ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

12/3/2019 3:50 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Duufaan magaceeda lagu sheegay Ambali oo sidata Roobab culus ayaa la filayaa inay ku dhufato dhulka ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya ee koonfurta iyo waqooyi bari ee Soomaaliya.

12/3/2019 12:51 AM EST
Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Waxey aheyd maalin murugo badan oo xasuus ku reebtay Qalbiyada bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan 03 bishii December, 2009 maanta oo kale ka dhacay Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho munaasabad ay ku qalin jabinayaan Ardey Soomaaliyeed oo u badnaa dhakhaatiir ka baxday Jaamacadda Banaadir.

12/3/2019 12:33 AM EST
Talaado,December,03, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ka bilaawday dibadbax looga soo horjeedo booqasho uu maanta ku taggi lahaa degmada Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.