4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Fatahaado mar kale ku dhufta Soomaaliya

 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale digniin culus ka soo saartay Fatahaaddo hor leh oo ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladu ka digeyso fatahaado horleh oo ka dhaca  Soomaaliya,iyada oo la cabsi qabo inay da’aan roobab xoog leh.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay heegan buuxa  gelisay Hay’adaha qaabilsan Gurmadka deg dega iyo ka jawaabista  xaaladaha deg dega ah ee ka dhalan kara Roobabka.

Hoos ka Akhrriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda :-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]