4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Duufaan iyo Roobab culus oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan xeebaha bari ee Soomaliya
  

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)-Duufaan magaceeda lagu sheegay Ambali oo sidata Roobab culus ayaa la filayaa inay ku dhufato dhulka ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya ee koonfurta iyo waqooyi bari ee Soomaaliya.

Hiiraan Online oo soo xiganaysa warbixin uu qoray website-ka faalooda  cimilada ee la yiraahdo accuweathe, ayaa sheegaysa, in ay duufaantaan kasoo bilaabanayso jasiiradda Madagaskar oo kutaala badwayenta Hindia, iyadoo kadibna kusoo fidaysa illaa xeebaha bari ee Soomaaliya.

Roobabka xoogooda ayaa lagu wadaa inay gaaraan qaar kamid ah magaalooyinka Puntland, sida Garowe, Gaalkacyo iyo Bosaso, waxayna arrintaan dhacaysaa afarta illaa shanta bisha December.

Hiiraan Online oo la xidhiidhtay agaasimaha hay'adda maaraynta masiibooyinka ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Axmed Ceyrow, ayaa u sheegay in hay'addu sameynayso qiimayn kadibna ay warbaahinta macluumaad siindoonaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Soomaaliya, Abdirashiid Mohamud Hassan oo ahaa masuulkii ugu horeeyay ee arintaan ka hadla ayaa ku baaqay in la helo wacyigalin warbaahineed oo loogu digayo dadka ku nool deegaanadaas.

Wixii kusoo kordha kala soco Hiiraan Online.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online