4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2019
Dibadbax looga soo horjeedo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeele oo ka socda Buula-burte

 

Talaado, December, 03, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ka bilaawday dibadbax looga soo horjeedo booqasho uu maanta ku taggi lahaa degmada Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed  Cali Caadle.

Dad isku soo baxay ayaa xiray dariiqdayada muhiimka ah ee degmada iyo waddada ka timaada Garoonka diyaaradaha degmada Buula-burte, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Wasiir Cadaale oo ku eedeynayaan in uu  sabab u yahay xiisadda siyaasadeed ee muddo dheerba ka soo jirtay degmada.

Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiraan ayaa waxaa ku sugan wafdi uu  horkacayo la-taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha  Hirshabeelle iyo Wasiiro, iyaga oo ku howlan sidii loo xalin lahaa  xiisada ka dhalatay isbedelkka lagu sameeyey Maamulkii degmada Buulo  Burde.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa wax ka yar Bil isku kala badalay ilaa saddex guddoomiye oo ay yeelaneyso degmada Buula-burte, taasoo la yaab ku noqotay dadka degmada Buula-burte, iyaga oo arintaa ku tilmaamay mid la doonayo in bulshada leysaga horkeeno.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]