4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Dowladda oo loogu baaqay in ay la timaado Qorshe Amniga wax lagaga qabanayo

 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Iyadoo maanta maagaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax galaaftay nolasha ku dhawaad 100 ruux ayaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in ay la timaado qorshe Amni oo wax lagaga qabanayo qaraxyada noocan oo kale ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo in ay la timaado qorshe lagu sugayo Nabad-galyada oo aan aheyn sida lagu qoray War-saxaafadeedka kan hadda ee lagu fashilma saddexdii sano oo ay dowladdu jirtay.

Weerarradan ayeey madasha Xisbiyada sheegeen in ay ahaayeen kuwo laga hortagi karay dowladdana looga baahan yahay in ay qaadato mas'uuliyada ilaalinta  nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa dhinaca kale loogu  tacsiyeeyay Ehelada dhamaanba dadkii ku dhintay Qaraxan oo ahaa kii ugu cuslaa ee soo mara magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxii 14kii October ee sanadkii 2017dii oo la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dad ku dhaw dhaw 700 oo ruux.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]