4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Puntland oo ku baaqday in hal meel loogasoo jeesto kooxaha xasuuqa ku haya ummadda Soomaliyeed
 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhowayd ka hadlay qaraxii Muqdisho ka dhacay ee lagu xasuuqay ummad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa tacsiyeyeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartey qaraxii Muqdisho, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa uu Alle uga baryey inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la daalaa-dhacaayey noloshooda, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

Madaxweyne Deni ayaa falkaas ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah, uguna baaqay shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in kooxaha xasuuqa ku haya ummadda Soomaaliyeed hal meel looga jeesto lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]