4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay qoddob ku jira sharciga Doorashooyinka ee loo gudbiyay Baarlamaanka

 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya doodda iyo ku kala aragdi-duwanaashaha sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan loo gudbiyay xildhibaannada Golaha Shacabka oo lagu waddo in ay doodd ka yeeshaan.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka diggay qoddob ka mid ah qoraalka sharciga doorashooyinka ee loo gudbiyay Golaha Shacabka kaasoo dhigay muddo kororsi aan xadlaheyn haddii ay doorashadu ku dhici weydo waqtigii loogu tala-galay.

Qoddobakan 53aad ayaa sheegaya in doorashada dib loo dhiggi karo waqti aan la cayimin haddii ay dalka ka dhacaan xaalado halis ah sidas ah, sida aafooyin, abaaro, arrimo farsamo, kaasoo ogolanaya in dib loo dhigo doorashada.

“Madasha Xisbiyada Qaran shir ay ka yeesheen galabtay sharciga doorashooyinka ee lagu wado In berito golaha shacabku aqriskii 3-aad la horkeeno ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey si gaar ah qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn, ayadoo doodii xildhibaanada ee sharcigu marka ay socotay waxa ay ka yiraahdeen qodobkaas aan waxba laga tixgelin, arrintaasina ay keenayso in dalka loo horseedayo qalalaase siyaasadeed oo khatar gelin kara nidaamka dawladnimada dalka ee xukunka loogu kala wareegi jirey xilliyadii la soo dhaafay si nabad ah” ayaa lagu sheegay War ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah in ay dhici karto doorasho qof iyo cod ah ama si kale loo dhiggay waqtigii loogu tala-galay, waxana jira shaki weyn oo laga qabo in ay jiri doonto muddo korarsi loo sameeyo Baarlamaanka iyo Xukuumadda hadda jirta oo ah walaac ugu badan oo ay qabaan siyaasiyiinta iyo Xisbiyada sida weyn isha ugu haya sida uu Baarlamaanku ula macaamilo sharciga hadda hor yaala.

“Ma dhici karto in golayaasha barlamaanku ay horseed u noqdaan In dalku galo qalalaase iyo Xasilooni-darro siyaasadeed ayadoo Madashu ay soo jeedisay in muddo kororsi Haba yaraatee sharciga laga saaro” ayeey sidoo kale sheegeen hoggaanka madasha Xisbiyada Qaran.

Lama oga sida ay uga jawaabi doonaan xildhibaannada Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda lagu wado in uu go’aan ka gaaro sharciga doorashooyinka Qaranka ee hor yaala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]