4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Puntland oo farriin culus u dirtay dadka mucaaradsan

Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Cali Shirre iyo wasiirka warfaafinta Cali Sabarey ayaa maanta ku baaqay in la joojiyo qulqulatooyinka loogasoo horjeedo xukuumada talada haysa.

Wasiirradan oo saxaafada kula hadlay xafsiiyadooda, ayaa sheegay dadka warbaahinta ka dhaliilay maamulka in aan waxba laga weydiindoonin masiirka Puntland, Waxay tilmaameen Puntland in ay leedahay golayaal dowladdeed oo loo igmaday inay isla xisaabtamaan.

"Puntland waxba laga weydiin maayo Odey meel ka hadlay, iyo nin caraysan, cida masuuliyada haysa ayaa wax laga weydiinayaa," ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland ayaa isna dhinaciisa sheegay in aan la ogolaandoonin in la jaaifeeyo madaxda Puntland oo lagu tilmaamayo inay yihiin dad xaraashaya kheyraadka dhulkooda.

"Waxaan ognahay in ummadda wax qaldan loo sheegayo oo odayaashii lala shirayo, Waxaas oo dhan waxaan ognahay in nabad iyo nolol ka dambeyso." ayuu tidhi Cali Sabarey.

Hadalka wasiirradaan ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Bosaso shalay iyo maanta lagu xiray odayaal iyo siyaasiyiin ku baaqay in shirkada DP-world laga saaro Puntland iyo inaan shirkado shisheeye lagu wareejin karin ilaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Hiiraan Online