4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
10 sano kadib ergayga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo tagaya Ethiopia

Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xorriyadda xagga aragtida iyo hadalka, David Kaye, ayaa maanta booqasho rasmi ah oo qaadandoonta todobo cishe ku tagaya Itoobiya.

David Kaye ayaa sheegay booqashadiisa inuu si gaar ah diirada ugu saari doono talaabooyinka ay qaaday Dowladda Ethiopia si ay u fuliso waajibaadka xuquuqul insaanka ee la xiriira xoriyada hadalka, oo ay kamid tahay ilaalinta saxafiyiinta.

Kaye, ayaa noqon doona wakiilkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo booqda Itoobiya muddo toban sano ah.

Wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta dowladda, wakiillo ka socda garsoorka, saxafiyiin iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee Addis Ababa iyo Bahir Dar.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu u soo bandhigi doonaa natiijadiisa horudhaca ah suxufiyiinta inta lagu guda jiro shirkiisa jaraa'id uu qabanayo maalinta ugu dambeysa howlgalkiisa oo ku beegan 9ka Disembar.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu warbixin dhammaystiran oo ku saabsan booqashadiisa ugudbindoono shirka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo dhacaya June 2020.

Hiiraan Online