4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Dood cilmiyeed looga hadlayay xal u helida fatahaada webiga Shabelle oo lagu qabtay magaalada Muqdisho


Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Dood cilmiyeed diirada lagu saarayay xal u helida fatahaada kusoo laalaabtay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kasoo qeyb galayaasha doodaan cilmiyeedka oo ka socday qeybaha bulshada, sida aqoonyahanada, ardayda jaamacadaha iyo maamulka Hirshabelle, ayaa jeediyay aragtiyo kala duwan oo ay u arkayeen in ay xal u noqon karaan sidii looga hortagi lahaa Fatahaada Webiga Shabelle.

Aragtiyada lasoo jeediyay waxaa ugu muhiimsanaa in webiga laga joojiyo qashinka lagu shubayo taasoo keenaysa caafimaad darro iyo in biyaha webiga ay banaanka usoo baxaan.  Waxaa kaloo lasoo jeediyay in awood dowladdeed loo adeegsado sidii loo joojin lahaa dadka dhisanaya waddooyinka iyo dooxooyinka biyuhu maraan.

Wasiir ku xigeenka cadaalada Hirshabelle Cumar Maxamed Hilowle, ayaa sheegay marka la gaaro waqtiga jiilaalka ee uu Webigu guro in mamaulkiisu uu bilaabayo olole ku saabsan in qashinka laga guro webiga islamarkaana la dhiso meelaha fataahadu ka imaanayso.

Guddoomiyaha xisbiga Daldhis, Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo xisbigiisu uu soo qaban qaabiyay doodaan, ayaa sheegay ujeedada laga lahaa inay tahay, in shacabka la abaabulo oo la muujiyo inay wax qabsan karaan iyo in dowladda iyo shacabka la is horkeeno oo ay ka tashadaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen.

Waa doodii labaad oo looga hadlayay xaalada fatahaada webiga Shabelle, xisbiga Daldhis ayaa doodii hore ku qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.



Hiiraan Online