Isniin,December, 02, 2019 (HOL)-Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xirtay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump.
Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka
Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda
Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga
dhigtay eedeymo ay u jeedisay.
Wargeyska The Washington post ee
dalka Mareykanka oo soo wariyay xanibaada lagu sameeyay akoonka
haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa sheegay in Stella oo ciwaankeeda
ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan,
waxaana twiter-ka ay ku qortay: " Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay
macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la
maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa".
Waxaa
kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay
maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku
dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo
la daldalayo.
Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo
jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah
oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah
oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas.
Wargeyska
ayaa kusoo warramay in shirkadda Twiter-ka ay maalma kahor si toos ah u
bannaday akoonkaas, iyadoona ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay
shuruucda u degsan.
The Washington post ayaa sidoo kale kusoo
warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay
in Ilhaan Cumar la daldalo.
Hassse ahaatee go'aamadaas ay qaateen shirkadaha Facebook iyo Twiter ayaa waxaa kasoo horjeestay Stella.
"Xanibaada
la saaray dedaaladeydii waxay muujineysaa in shirkadda Twiter ay
marwalba dhinac istaagto oo ay u dagaalanto argagixisada iyo dadka wax
basaasa," ayay Stella u sheegtay wargeyska the Washington Post.
Qoraal
kale oo ay Stela soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in
marnaba aysan hanjabaad u jeedinin qofkale, waxaana ay sheegtay: "
hadalkeyga ayay ka dhigtay wax uusan ahayn, waxaadna u rogtay arrimo
diin iyo midab".
Ma ahan markii ugu horeesay oo ay haweeneydan ay
weerarto Ilhaan Cumar, oo waxay ahayd horaantii sanadkan, xilligaas oo
ay sheegtay in sharci darro ay tahay in xildhibaan Ilhaan ay ka
talabixiso arrimaha muhaajiriinta.
Ilhaan Cumar oo culeyso
siyaasadeed kala kulmeysay dadka taageera siyaasadaha Madaxaweynaha
Mareykanka, Donald Trump ayaa maalma kahor waxaa ay naxariis u muujisay
nin horay ugu hanjabay in uu dili doona.
Ninkan oo lasoo taagay
maxkamad ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka, laguna
magacaabo Patrick Carlenio ayaa horay baraha bulshada usoo dhigay
hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono
Ilhaan Cumar.
Hasayeeshee Ilhan Cumar ayaa garsooraha maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto ninkan oo aan xukun dheer lagu xukumin.
BBC