4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo la kulmay hoggaamiyaha madasha xibsiyada mucaaradka Soomaaliya

Isniin, December, 02, 2019 (HOL)-Safiirka Maraykanka ufadhiya Soomaaliya, Amb Yamamoto, ayaa la kulmay hoggaamiyaha madasha xibsiyada qaran ee mucaaradka Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii dowlad iyo mucaaradba si wadajir ah looga shaqayn lahaa wanaaga Soomaaliya.

Yamamoto wuxuu sheegay in dowladda Maraykanku sii wadayso taageerada dhiirrigalinta wada shaqeynta & iskaashiga ka dhexeeya dhammaan daneeyayaasha, si loo helo doorashooyinka waqtigooda ku habboon, xor ah, iyo caddaalad ah.

Safiirka Maraykanka ayaa horey ula kulmay siyaasiyiin kale oo uu damac kaga jiro doorashada soo socota, sidoo kale wuxuu la kulmay madaxda dowladda federalka Soomaaliya.

Dhammaan dhinacyada uu la kulmay ayuu ugudbiyay farriinta dowladdiisa ee ku aadan in Maraykanku uu taageero balaaran ku bixinayo doorashada Soomaaliya, lakiin ay taasi ka horeyso in hoggaamiyayaasha  siyaasada Soomaaliya ay marka hore ka heshiiyaan hannaanka doorashada iyo khilaafka hadda jira.

Hiiraan Online