4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2019
Madaxwayne Mustafe cagjar oo mar kale ka hadlay dhulka ay isku hayaan degaanada Soomaalida iyo Canfarta

Isniin, December, 02, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha Degaanka Soomalida Mustafe cagjar ayaa mar uu maanta Warbaahinta degaanka la hadlayay waxaa uu ka hadlay arrimaha ku saabsan dhulka uu khilaafku ka taagan yahay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.


Madaxwaynaha ayaa xusay in dadka Soomaalida ah ee deggan magaalooyinka Caddaytu, Cundhufo, Garbaciise iyo Gadhamaytu ay xaq u leeyihiin inay tashadaan isla markaana la dhagaysto oo ay sheegtaan waxay rabaan.


Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Xukuumaddu aysan marnaba dayacayn dadkaas Soomaalida ah. Mar uu ka hadlayay shirar la sheegay in lagu qabtay Diridhabe oo shacabka loogu tusay in xukuumaddu ay arrintaas ka tanaasushay aysan waxba ka jirin.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu in dadka deggan Caddaytu, Cundhufo iyo magaalooyinka lamidka ah aan lagu khasbi karin waxaysan ahayn, xukuumaduna ay marwalba u taagan tahay inay ilaaliso sharafta iyo maslaxadda ummada Soomaaliyeed .

Ugu dambayn waxa uu sheegay isagoo si khaas ah ula hadlay Shacabka Gobolka Sitti inay xukuumaddu ku garab taagan tahay hawshaas oo aysan kaga hadhaynin.

Hadallada Madaxwayne Mustafe ayaa kusoo aadaya xilli shacabka Gobolka Sitti ay ka niyad jabeen xukuumadda degaanka, oo inbadan ka aamusnayd arrimaha ku saabsan dhulka uu khilaafku ka taagan yahay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Shacabka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay hadallada Madaxwayne Mustafe isla markaana codsaday inuu ficil ku muujiyo waxay dawladda degaanku lagarab taagan tahay Shacabka Gobolka Sitti.

Hiiraan Online