4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Golaha degaanka degmada Laascaanood oo ka horyimid biyo gelin la sheegay in magaalada laga fulin doono

 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Inta badan golaha degaanka degmada Laascaanood ayaa ka soo horjeestey mashruuc biyo gelin oo ay sheegeen in la siiyey shirkad degaanka laga leeyahay.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay dhamaantood ugu baaqay Somaliland in ay dib u eegaan mashruuca biyogelinta magaalada oo ay ku tilmaameen inuu bulshada lafdhabar u yahay.
 
"Dawladii Riyaale biyo gelin ayay balan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u balan qaaday, hadana la sheegay in ceelka Goojacade oo aan xooluhu cabi karin in la yodhaahdo waa laga soo jiidayaa taana maaha midaan yeeli karo" sidaa waxaa yidhi Maxamed Aflahaar.
 
Xildhibaanada ayaa waxay si weyn u dhaliileen Shirkada Nugaal oo dhowaan qalabka biyaha sifeeya ka qotomisey bariga magaalada Laascaanood.
 
C/rashiid Maxamed Cawil maariyaha wakaalada Biyaha Laascaanood oo aan arintan wax ka weydiiyey ayaa waxa uu taageeray golaha degaanka isagoo shirkada Nugaal ku tilmaamay mid aan u danaynayn bulshada Laascaanood, waxase uu meesha ka saaray in aanu ogayn meel mashruucaa lagu bixiyey.
 
Si kastaba ha ahaatee biyo gelinta magaalada Laascaanood oo sanado badan malaayiin doolar lagu bixiyey ayaan marna aanay suuragal noqon in la helo biyo gelin waarta marka laga soo bilaabo badhtamihii sagaashamaadkii oo hayadda OXFORM ay biyo gelin aan la mahadin ay samaysay kadib markii ay biyaha ka soo qaadeen ceelka haatan la diidan yahay kaas oo sanado yar ka dib qasabadihii dhagax ku milan  biyaha caqabad ku noqday qulqulkii biyaha.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool