Wasaarada shaqo galinta Somaliland oo xuquuqdeedii usoo dhicisay hooyo Ayaan Cabdiraxmaan
Talaado, December,17 2019 (HOL)–Wasiiraaradda Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland ayaa xaquuqdeedii usoo dhicisay hooyo Ayaan Cabdiramxaan oo meherad aan magaceeda la shaacin shaqaddii ka eriday.
Hooyo Ayaan Cabdiraxmaan waxa la
kulantay Ubax Ciise wakhtigii shaqada laga joojiyey,taas oo baraha bulshadda ku
soo bandhigay tacadiga ay hooyadani ka tirsanayso ganacsadihii ay u
shaqaynaysay, taasina waxay sababtay in baraha bulshadda qabsato tacadiga
hooyadan oo dadkii ay ugu doodaan baraha bulshadda.
Qoraalka lagu baahiyey baraha
bulshada waxa markiiba ka soo jawaabtay wasaarada shaqo galinta iyo arrimaha
bulshadda oo ganacsadihii shaqada ka joojiyey dacwad ku furtay, halka
gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland Cabdikariim xinif
oo ballanqaaday inuu shaqo hal saacad ah siin doono.
Wasiirka wasaaradda shaqogalinta
Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa Hooyo Ayan Cabdiraxman Axmed maanta guddoonsiiyay
lacag dhan $990 dollar oo ah xaq shaqaalennimo ee ay ku lahayd ganacsadihii ay
u shaqaynayey.
Hooyo Ayaan Cabdiraxmaan ayaa
muddo labada sano ah nadiifisonimo ugu shaqaynaysay Supermarket ku yaala Suuqa Magaaladda Hargeysa, waxaana
loo xisaabiyey xaq sanadeed keeddii,bishii fasaxa ahayd ee ay sanadkiiba hal
mar xaqa u lahayd iyo xuquuqdii maalmaha qaranka ee fasaxyada.
Sidoo kale, waxay hooyo Ayaan
cadaysay in maalmaha ciida waxii ay xaq u lahayd iyo bishii ogeysiinta eriga ba
hore loo siiyay.
Dhinaca kale Wasaaradda Arimaha
Bulshadu waxa ay kafaalo qaaday waxbarashadda ubadkii ay hooyadu aadka uga war
warsanayd.
Hooyadan ayaa noqotay mid nasiib
leh oo baraha bulshadda loogu difaacay, taas oo markiiba ka soo jawaabeen hay’adihii
dawlada ee ilaalinta shaqaalaha masuulka ka ahayd.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland