4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan oo dil lagu xukumay

 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa madaxweynihii hore ee militariga ahaa ee dalkaas Pervez Musharraf, ku heshy dambi qiyaameyn qaran ah oo weyn, waxayna ku xukuntay dil.

Kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah go’aankii Musharaf uu sanaddii 2007 ku hakiyey dastuurka dalka islamarkaana dalka kusoo rogay xaaladda deg deg ah.

Tallaabadaas muranka leh ayaa dhalisay dibad-baxyo xooggan oo ka dhan ah Musharraf ugu dambeynna hoggaamisay inuu si-casilo.

Hoggaamiyihii hore ee Pakistan, oo sidoo kale wajahaya dacwado la xiriira maalmihii uu xukunka hayey, ayaa ku gacan seeray eedeymaha loo jeediyey oo uu ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso.

Musharraf ayaa tan iyo sanaddii 2016 ku noolaa magaalada Dubai, markaasi oo laga qaaday xayiraad saarneyd, si uu caafimad uga raadsado dibedda.

Waxa uu sanaddii 1999-kii ku xukunka ku qabsaday afgambi uusan dhiig  ku daadan, isaga oo riday dowladdii ra’iisul wasaare Nawaz Sharif, kaasi  oo markii dambe uu u ceyriyey dalka Saudi Arabia, isaga iyo xubnaha  qoyskiisa, 76 jirkan ayaa waxa uu hadda inta badan waqtigiisa ku qaataa Dubai iyo London.

VOA